|

Ruushka oo hubka halista ah ee la mamnuucay ku garaacay Ukraine.

Ruushka ayaa boqolaal kun oo qof ku dilay magaalada Kharkiv ee dhacda waqooy bari Ukraine kadib markii ciidamada Ruushka ay si aan kala sooc laheyn halkaas ugu garaaceen bambaabooyinka la mamnuucay ee cluster , sida laga soo xigtay hay’adda Amnesty International.

Amnesty waxay sheegtay inay heshay caddeymo muujinayaa in ciidamada Ruushka ay si joogto ah u adeegsadeen bamaabooyinka cluster gaar ahaan kuwa saameynta xooggan geysta.

BBC-du waxay booqatay shan goobood oo kala duwan oo ay saameyn ku yeesheen hubkangaar ahaan xaafadaha la deggan yahay ee Kharkiv, waxaan aragnay caddaymo ku saabsan saameynta ka dhalatay hubka cluster.

Waxaa nala tusiyay sawirrada khuburadda hubka ay kasoo qaadeen goobaha hubka lagu weeraray, waxay sheegeen in saameynta ka dhalatay bambaanooyinkan la mamnuucay ay yihiin kuwa joogta ah.

“Saamayntaas waa mid ka dhalatay hubka cluster kooxaha, waa arrin iska cad,” ayuu yiri Mark Hizney, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan qeybta hubka ee Human Rights Watch.

Posted by on Jun 13 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]