1 min read

Militeriga Soomaaliya oo sheegay inay bur buried goob Shabaabka ay canshuurta dadka uga qaadi jireen.

Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen 10 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al Shabaab kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

“Ciidanka xoogga ayaa argagixisada ka dilay ku dhawaad 10 maleeshiyaad ah iyagoo bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha baada ah” ayaa lagu yiri warka ay baahisay wakaaladda wararka ee Sonna.

Ciidanka waxay sidoo kale sheegeen inay burburiyeen goob Shabaabka ay shacabka uga qaadi jireen canshuurta.