1 min read

Maxkamadda sare Kenya oo ku talabixisay in xilka laga xayuubiyo Madaxweyne Uhuru.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, Martha Koome, ayaa dooneysa in maxkmadda racfaanka ay ku dhawaaqdo in Madaxweyne Uhuru Kenyattta, uu ku xadgudbay dastuurka u dagan dalka Kenya.

Guddoomiyaha, oo hadalkeeda sii wadata, ayaa sheegtay in tani ay timid ka gadaal markii madaxweynaha uu ku guul dareystay inuu magacaabo lix kamid ah afartan garsoore, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Adeegga Garsoorka ee “JSC” saddex sano kahor.

Koome, ayaa waxey sidoo kale tilmaantey in jawaabta maxkamadda ay noqoto, in maadaama madaxweynaha lagu eedeeyey ka xadgudubka dastuurka, in jagada uu ku fadhiyo laga qaado.

Racfaan ka dhan ah go’aanka maxkamadda sare, ayaa Mr Uhuru Kenyatta lagu amrey inuu soo magacaabo lix garsoore, haddii uu ku kasoo bixi waayana, markaa waa in mas’uuliyaddaasi uu la wareegaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Koome ayaa si kastaba ha ahaatee diiday iney u tartanto madaxtinimada. Taas badalkeeda, waxay soo jeedisay in madaxweynaha uu ku xadgudbay qodobada 3 (1) faqradda koowaad, iyo qodobka 166 (1) faqraddiisa koowaad, xarafka b, ee dastuurka iyo awaamiirtiisa.