1 min read

Midawga Afrika: Ukraine miinooyinka haka saarto dekedda Odesa si sareenka loo dhoofiyo.

DAKAR, SENEGAL — Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa Khamiistii ku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo hadhuudhka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay.

Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka ayaa hakad gelisay sareenkii iyo hadhuudhkii labadan dal ay soo saari jireen ee dunida loo iibgeyn jiray.

Afrika, waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada, iyada oo qaaraddani ay tahay tan ugu saboolsan dunida, waxaana qiime korodhka ugu wacan hoos u dhaca ku yimi sareenka iyo gallaydii ay debedda u dhoofin jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Senegal ayaa u sheegay telefishanka France 24 iyo RFI, in haddii aan si dhakhso ah dib loogu bilaabin in dalka Ukraine uu soo celiyo sarreenkii iyo hadhuudhkii uu Afrika u soo dhoofin jiray, in qaaradda Afrika ay geli doonto xaalad gaajo iyo macaluul oo aad u daran oo khalkhal gelin karta xasiloonida qaaradda oo dhan. Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saari jiray 30% sarreenka dunida loo iibgeeyo.

Laakiin waxaa haatan dekedaha Ukraine ku xanniban hadhuudh la doonayey in debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay dawladda Ruushku ay qaadday tallaabooyin go’doomin ah, halka cunaqabataynta reer galbeedkuna ay hakisay dhoofintii sarreenka iyo hadhuudhka ee dalka Ruushka.

Moscow ayaa ku baaqday in Ukraine ay miinooyinka ka saarto biyaha ku hareereysan dekedda Odesa ee Ukraine ay maamusho si ay u oggolaato in la dhoofiyo hadhuudhka xannibmay, laakiin Kyiv ayaa diiday iyada oo ka cabsi qabta in Ruushku weeraro.

Sall waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo uu todobaadkii hore kula kulmay Ruushka, uu u xaqiijiyay in aanay taasi dhici doonin.

AFP