1 min read

RW Rooble oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow kasoo degay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ka mid ah wafuuda heerka caalami ah ee ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale, Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho, si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale, Madax kale oo heer caalami ah ayaa la filayaa inay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu casuumay munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Shiikh, iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku sugan yihiin Masuuliyiin kala duwan oo u diyaarsan soodhaweynta wafuuda.