1 min read

RW Rooble oo ka hadlay Arrimaha doorashada iyo Abaarta dalka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa halkaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay naraaxisha ay soo martay doorashada soomaaliya, isagoo ku dheeraaday ka hadalkeeda.

RW Rooble ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay soo martay xaalad cakiran, taas oo ku sigatay in gacanta la iskula tago, balse dadaal dheeri ah iyo dulqaad ay sameeyeen ay u suurta gashay ugu dambeyn in dhibaatooyinkaas laga gudbo islamarkaana la qabto doorasho.

Mr Rooble ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday  in dadka Soomaaliyeed eek u nool dalka ay wajahaayn xaalad abaareed oo cakiran, isagoo ugu baaqay cod dheer Xubnaha Beesha Caalamka inay gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee xiligaan wajahaya Abaar dhankasta ka saameysay.

Dhinaca kale Wali waxaa xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka socoto hadal jeedinta wafuud kasoo qeyb gashay munaasabadda Caleema Saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, kuwaas oo leh Madaxweynayaal, Ra’siiul Wasaarayaal iyo Mas’uuliyiin kale.