1 min read

Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo socota.

Xarunta teendhada Afisyoni ee magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka bilaabatay munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xilka hoolka ay ka dhaceyso munaasabadda ay ku sugan yihiin Wafuuda ka qeyb galeysa munaasabadda kuwaas oo ka kala yimid dalalka darisa iyo kuwa caalamka.

Hoolka teendha waxaa xaadiray goor hore mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ugu horreyaan Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka iyo Wafuuda kala duwan ee lagu casuumay munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Hoolka teendhada waxaa xaadiray goor hore mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ugu horreyaan Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka iyo Wafuuda kala duwan ee lagu casuumay munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Inta badan madaxdii lagu casuumay munaasabadda caleema saarka ayaa ku sugan hoolka ay ka dhaceysa ee teendhada Afisyooni, waxaana ka mid ah Madaxweynayaasha dowladdaha Jabuuti iyo Kenya, Raysal Wasaaraiyaasha dalalka Itoobiya iyo Masar iyo Wasiiru dowladaha dalka Imaaraadka Carabta.

Wali waxaa xarunta sii gaaraya mas’uuliyiin dhowr ah oo madaxweynayaal leh, iyadoo la filayo in xarunta teendhada Afisyooni ay ka bilaabato munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Shiikh Maxamuud.