1 min read

Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo xarigga ka jaray Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga ee Muqdisho.

Xarunta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah xarigga looga jaro.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu qabanayo Muqdisho.

Labadan madaxweyne ayaa horay u dhagax-dhigay xarunta bishii Febaraayo ee sanadkii 2015.

AGA waa xarun ka shaqeyn doonta daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed. Waxaa ku mideysan dalalka Geeska Afrika ee ay Soomaalidu degto, Af-Soomaaligana looga hadlo.

Xarunta waa markeedii hore lagu aasaasay dalka Jabuuti bishii Juun ee sanadkii 2013.