1 min read

Hoobiyaal caawa lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in caawa magaalada Muqdisho abbaara 2:00 habeenimo wakhtiga Muqdisho in magaalada laga maqlay madaafiic kala duwan kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Tirada madaafiicda la maqlay waxay tuuray gaarayaan illaa toddoba xabbo, kuwaas oo ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Illaa haatanna ma jirto cid sheegatay masuuliyadda madaafiicdan.

Sidoo kale laamaha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Muqdisho, wax faahfaahin ah kama bixinin dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashayba.

Madaafiicdan la tuuray ayaa ku soo beegmaysa iyada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo bilaabmay saacaddu markay ahayd 12:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo Khamiista berri ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb gelayaan madax sar-sare oo ka imanaysa dalal kala geddisan.