1 min read

Abiy Axmed “Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labada dal..”

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ahaa madaxda lagu casuumay kasoo qeyb galka munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda taas oo xiiso gaar ah xambaarsaneyd, isagoo isticmaalayay Erayo ku jira Af-ka Soomaaliga iyo English-ka.

Intii uu ku guuda jiray jeedinta khudbadiisa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si weyn ayaa loogu sacbiyay, waxaana uu soo hadal qaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeya.

Waxaana uu yiri “Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labad dal iyo dadka walaalaha ah” ayuu yiri  khudbaddiisa Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaaliga.

RW Abiy ayaa Dadka Soomaaliyeed u rajeeyay  nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo isticmaalayay markaa afka Soomaaliga, wuxuuna yiri “ “Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,”.

Dhanka kale Mudadii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxaa dowladda Itoobiya kala dhaxeeyay xiriir ku saleysan iskaashi iyo mid saaxiibtinimo, waxaase ay xiriirka u jartay dowladaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta.