1 min read

Xarunta Daraasaadka Siyaasadda CPA oo Somaliland u soo jeedisay hab looga gudbi karo ismariwaaga taagan.

Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee loo soo gaabiyo CPA ee uu fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa dhinacyada isku haya khilaafka siyaasadeed ee ka taagan jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa waxa ay u soo bandhigeen hab ay ku tirinayaan in loogaga gudbi karo ismariwaaga taagan.

Xarunta ayaa warbixin ay ka diyaarisay dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay waxa ay ku soo koobtay in xilligan la joogo xal siyaasi ah uun lagu gaari karo natiijo wax ku ool ah.

Dhageyso:Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan, gudoomiyaha Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee loo soo gaabiyo CPA, oo BBC-da u waramay