1 min read

Muxuu hadal hayn u dhaliyay arooska Boqoradda Style-ka iyo Haykal?

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa hadal haynta Soomaalida, meelo badan kala jooga, qabsaday sheekooyinka ku saabsan aroos ay ku aqal galeen labo dhallinyaro ah oo caan ka ah baraha bulshada.

Haykal Maxamed Muuse oo ku magac dheer Xakuul iyo Maariya Maxamed Xasan oo loo yaqaanno Boqoradda Style-ka isku guursaday magaalada Muqdisho.

Arooskooda ayaa soo jiitay indhaha bulshada maadaama ay ahaayeen lamaane uu xiriirkooda jacaylka ku billowday dhinaca internet-ka kaddibna is calmadeen.

Dadweyne badan ayaa isugu yimid munaasabadda maalintooda aqal galka, waxaana halkaas ka muuqday inta badan fannaaniinta ugu caansan Muqdisho. Ka hor inta aysan ku dhawaaqin arooskooda, lamaanahan waxay si wayn uga mid ahaayeen shakhsiyaadka ugu taageerada badan, iyagoo muuqaallo isugu jira majaajilo iyo haasaawe kuso bandhigi jiray shabakadda TikTok.

Qaar ka mid ah sababaha uu arooskooda hadal haynta u dhaliyay, dadka qaarna ay xitaa ugu tilmaameen ”arooskii Qarniga” ayaa ah:

• Inay ahaayeen dhallinyaro isku bartay baraha bulshada

• Inay muddo isla socdeen, xiriirkoodana laga warhayay

• Inay ka miro dhaliyeen jacayl masaafe dheer u dhaxeeyay

• Inay ka gudbeen caqabado lasoo gudboonaaday intii ay haasaawayeen

•In arooskooda uu isku mar ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa.

XigshoBBCSomali