1 min read

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhibay Ciidamada Dowladda.

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Mid ka Mid ah kooxda Alshabab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo Magaciisa Afgarashadiisu ay tahay(Lagooye) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,

Cabdiraxmaan ayaa Kooxda Al-shabab u qaabilsanaa Jabhada,Wuxuuna ku jirey Mudo 3-Sano ah isagoona Dagaalo Dhowr ka dhacay Deeganadaa Gobolka Baay uu ka qeyb qaatey,

Wuxuuna Sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab isaga soo baxay ay tahay Dhibaatooyinka Noolasha iyo mida ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan ayaa Saaxibadiisa kale ee ka tirsan Alshabab ugu baaqey inay isaga soo baxaan Kooxda Nabadiidka Alshabab ay isku soodhiibaan Ciidanka Dowladda