1 min read

Sucuudiga oo sheegay in dumarka ay Xajka imaan karaan maxram la’aan.

Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in haweenku ay hadda iska diiwaan gelin karaan xajka sanadlaha ah iyada oo uu san la soconin nin mas’uul ah (maxram), sida ay dowladsda Sucudiga sheegatay.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in haweenku aysan u baahneyn in ay yeeshaan qof mas’uul ah oo lab ah si ay isu diiwaan geliso, ayna hadii ay koox dumar ah yihiin.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii lagu dhawaaqay in haweenka Sacuudiga ay hadda iskood u noolaan karaan iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama mas’uulka lab ah ka dib markii wax ka bedel sharci oo cusub ay sameysay Boqortooyada.

2019, Boqortooyada ayaa siisay ogolaanshaha haweenka inay u safraan dibadda iyaga oo aan ogolaansho ka helin mas’uul lab ah.