1 min read

Siyaasi Bobi Wine oo Somaliland ku ammaanay horumarka ka jira.

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, lagu soo gabagabeyay shirka nabadda iyo amniga ee Afrika oo socday laba maalmood. Shirkaan waxaa ka qayb galay hoggaamiyaal, khuburo iyo daneeyayaal kale oo ka socday qaaradda Afrika,waxaana diiradda lagu saaray doorka arrimaha gudaha iyo dibadda ay ku leeyihiin dadka ka shaqeeya nabadda,iyadoo Somaliland loo marayo.

Fannaanka siyaasiga ah ee ka soo jeeda dalka Uganda,Bobi Wine oo ka qayb galay shirkaas isla markaana la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa ku ammaanay Somaliland horumarka ay gaartay muddadii ay jirtay iyo in tan 1991-dii ay Somaliland yeellatay 5 madaxweyne oo si dimuquraadi ah loo doortay xilkana ula kala wareegay. Wuxuu intaa ku daray in Somaliland oo dagaallo burburiyeen ay ka soo kabatay hadda dhamaan dhibaatooyinkii soo maray marka laga eego dhinacyo uu ka mid yahay dhaqaalaha.

Bobi Wine 8oo caan ka ah gudaha dalkiisa isla markaana horey ugu tartamay xilka madaxtinimada ee Uganda ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu bartiisa Facebook, soo dhigay saacado ka hor.