1 min read

Xujaydii ugu horayysay oo gaaray dalka Sacuudiga.

Xujaajti ugu horreysay oo ka socota meel ka baxsan Sacuudi Carabiya muddo laba sana ah kaddib ayaa maanta gaaray magaalada Madina, taasoo ka dhigeyso xujaajti ugu horreysay oo soo xajido tani iyo marka uu cudurka safmarka ee Covid-19 dunida uu ka dillaacay.

Xujaajtan ugu horreysay ee Sacuudi Carabiya soo gaaray ayaa la sheegay iney yihiin kuwa ka socda dalka Induniisiya.

Warbaahinta dowladda Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in sanadkan loo oggol yahay iney soo xajiyaan 1 malyan oo xujaaj ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka kala imaneysa.

“Maanta waxaan qaabilnay koox xujaaj ah oo ka socotay dalka Induniisiya, waxaana xigi doono diyaarado sido xujaaj ka socdo Maleysia iyo Hindiya,” ayuu yiri wasiirka Xajka Maxamed Al-Bijaawi oo u warramayey warbaahinta dowladda ee Al0Ikhbaariya.

2020-kii waxaa soo xajiyey oo keli ah xujaaj aan ka badneen 1,000, halka 2021-ka ay xajiyeen xujeey aan ka badneen 60,000 oo gudaha Sacuudi Carabiya ka socotay.