1 min read

3-dii xubnood ee ugu dambeeyay guddida doorashooyinka Somaliland oo is casilay.

Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida doorashooyinka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay qaar kamid ah xubnahaas u sheegay BBC.

Waxaa ka horreeyay saddex xubnood oo kale oo iyaguna horay u shaaciyay inay ka baxeen guddiga.

Tani ayaa ka dhigan in gebi ahaanba uu burburay guddiga doorashooyinka Somaliland, xilli lagu waday in 13-ka November ay dhacdo doorashada madaxweynaha.