3 mins read

Madaxda Maamul Gubaleedyada qaar, miyaa Caanihii Caruurta Damac ka galay?=Nasashada Jimcaha.Q-307=

  1. Haweeyney Najeeriyaan ah, ayaa Seygeeda u geeysay Takhtar, kuna Tiri: Seygeyga waxaa ku dhacay Cudur, waxa uu dhumiyay Xasuustii, wixii ka dambeeyay Doorashadii.

Dotorkii ayaa ku yiri: kaasi waa Cudur iska caadi ah waxaana la yiri: “Damaasa”, waxa uu ku dhacaa Siyaasiyiinta Doorasha kadib, waxyaabaha ey hilmaamaana waxaa ka mid ah, Ballamaddii ey qaadeen wakhtigii Ololaha Doorashada.(F.S: 1aad)

( Cudurkaasi ma ku dhacaa Siyaasiyiinta Somalida? )

  1. Wiil ayaa yiri: Aabe Xalay waxaan ku riyooday Aniga oo Qodaxi Lugta iga muday.
    Aabihii oo careeysan ayaa ku yiri: Saqajaan yohoow, markaad seexaneysay, maxaad kabo u sii xiran weeyday.

( Asgari istaaf u ahaa Wasiirka ayaa yiri: wasiir Maanta intii aan shaqada u soo socday Aniga oo Bajaaj saaran, ayaan Qarax ka badbaaday. Xaaskii Wasiirka oo Qurbaha ka timid ayaa tiri: war maxaad u iibsan weeyday Jaakadda aan Xabbadu karin iyo Gaari Bullet proof ah )

  1. Nin Reer Mudug ahaa oo 4ta ilkood ee hore ka maqn, Majin Qaad ahna wato ayaa Xamar weyne yimid. isaga oo Gabar wadada ugu sheekeynayo ayaa Gabadhii ku tiri: Xabiibii, waan qoyay. isaga oo ku faraxsan Hadalka naxariista leh ee Gabarta ayuu ku yiri: babe, Hadalkeeyga miyaa Dareenkaaga kiciyay.

Gabdhii ayaa ku tiri: Maya ee marka aad hadleeyso Calyada Afkaaga ka socoto ayaa i qooysay. ( F.S: 2aad )

( Saaxiibkaa shalay waxa uu joogay Somali Sudanees Hospital, qeybta Ilkaha. Berri sug isaga oo ah Fanax ilka cade )

  1. Wiil dhaqan Celin loo keenay, ayaa xabad Xashiish ah kula dhuuntay meel Luuq ah. waxa uu ugu tagay Gabar ku Howl gudaneeysay, Ur, isaga oo is moogeeysiinayo maqalka dhuusada ayuu dhagool iska dhigay, iskana sii dhuuqay Xashiishkii u shidnaa. Gabar kale ayaa Luuqii soo gashay, waxa ey tiri: waa maxaay dhuusadaan soo uree?. tii hore ayaa tiri: Dhagoolkaan xun ayaa nagu dhuusay. Wiilkii ayaa inta uu is celi waayay ku yiri: Naa Dhuusadii ma beenbaad ku darsatay. ( F.S: 3aad )

( Somaliya kii Siyaasadda ku dhax Dhuuso shacabkoow Uf leeyahay Been iyo Siyaasad xumo ayuuna isagu daraa Shacabka)

  1. Naag Hargeesa Baabuur ka soo raacday oo Cunigeeda Naas sii rabatay. ayuu Cunigii ka diiday. waxa ey ku tiri: Hooyo Naaska hoo, hadii kale Ninkaa qayilayo ayaan kaa siinayaa. dhowr jeer ayeey ku celcelisay.

Ninkii intuu Naagtii fiiriyay ayuu ku yiri: Qof weyn baad tahay, Go’aan gaar dee.( F.S: 4aad)

( Madaxda Maamul Gubaleedyada qaar, miyaa Caanihii Caruurtaa Damac ka galay ? )

  1. Nin Reer Burco ahaa oo Miyiga ka yimid ayaa FaceBook loo sameeyay. Dhowr Maalmood markii uu isticmaalay, ayuu maqlay dhalin yaro leh: Maanta khadkaa naga culus oo Mobile-ku nooma kacayo.

isagiina waxa uu yiri: ina Adeer, Anigana maanta FaceBook-ga ayaa iga culus ee Hablaha Buur Buuran Mobileka iga saar dee, Balada.( F.S: 5, 6& 7aad )

( Oday dhaqameedyo, Duubab iyo …….oo kuli wadaa ahaa Asaxaabu Shaxaad ayaa FaceBook-gooda iyo Messenger-ka ka wada saaray Madaxdii ey hore ugu nacamleey jireen, kuwa cusub Sawiradooda ayeey saarteen, iyaguna berri waa iga masax )

Qore: Yahya Amir