1 min read

Burcad K/Afrikaan ah oo xalay dhimasho iyo dhaawac u gaysatay rag Soomaali ah.

CAPE TOWN: Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde, oo si weyn looga yaqaanay South Africa, ayaa EEBBE Naxariistii Janno Haka Waraabiyee ku dhintay Weerarkii ay Caawa Burcadda hubaysan ku qaadeen Labo Dukaan oo iskasoo horjeeda oo ay Ganacsato SOOMAALIYEED lahaayeen, kuwaasi oo ku yaalla Tuulada Strand ee Magaalada Cape Town.

Tirada Dhaawacana waa Sadex Muwaadin, sida Walaalaha goobta tagay iyo dhakhaatiirta Isbitaalaadka dhaawacyada la geeyey xaqiijinayaan.

Booliska Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kuwa musiibadan gaystay, gacantana ay kusoo dhigi doonaan.

WD:C/risaaq Indha Jaceel