1 min read

Xulka Argentina Oo Garaacay Xulka Italy Kuna Guulaystay Koobka Finalissima 2022.

Xulka Argentina ayaa Garaacay Xulka Italy Kuna Guulaystay Koobka Finalissima 2022 kulan ka dhacay garoonka Wembley oo ay isaga hor yimaadeen xulalka ku kala guulaystay Copa America iyo European championship.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Italy si dar-dar leh ku bilowday iyaga oo ka awood badnaa xulka Argentina kuwaas oo aan si fiican ku bilaaban.

Laakiin xulka Italy ayaa ku dhibaatoonayay in ay saamayn ku yeeshaan goolka hortiisa sidii caadada u ahayd xulka Italy kulamadii ugu dambeeyay.

Xulka Argentina ayaa la wareegay ciyaarta kadib markii uu Xulka Italy fiicnaa 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.

Xulka uu hogaaminayo Lionel Messi ayaa halis galiyay Goolka xulka Italy iyaga oo sameeyay fursado ay ku dhalin kareen goolal.

Xulka Italy ayaa iska qaban waayay xiddigaha Lionel Messi iyo Angel Di Maria kuwaas oo halis ku ahaa Xulka Italy.

Daqiiqadii 28-aad ayuu xulka Argentina dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Argentina ayaa sii waday weerarada ay ku qaadayeen xulka Italy kuwaas oo ku dhibaatooday in ay weerar ku qaadaan Goolka Argentina.

Daqiiqadii 45+1-aad ayuu xulka Argentina dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Angel Di Maria kaas oo hogaanka u dheereeyay xulkiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Argentina dhinac walba kaga fiicnaa dhigiisa Italy guud ahaan kulanka.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid uu xulka Argentine ahaa midka fiican iyada oo uuna xulka Italy wax fal celin ah samayn.

Daqiiqadii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayuu xulka Argentine dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Paul0 Dybala kaas oo ciyaara ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Argentina ku guulaystay koobka Finalissima 2022 iyada oo xulka Argentine u muuqdo mid awood leh si fiicana isugu diyaariyay koobka adduunka.