1 min read

Mareykanka oo iska diiday eedeyn ah inuu cudur halis ah ku faafinayo wadan Afrika ku yaalo.

Sida uu qoray wargeyska sida gaarka ah loo leeyahay ee Vanguard, safaaradda Maraykanka ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in Maraykanku aanu xidhiidh la lahayn Furuqa daayeerka ee dhawaan ka dilaacay wadanka ku yaala galbeedka Afrika.

“Bayaanka ayaa waxaa la soo saaray iyadoo laga jawaabayo sheegashada ah in dowladda Mareykanka ay isticmaalayso shaybaaro qaas ah si ay furuqa daanyeerka ugu faafiso Nigeria,” ayaa lagu yiri wargeyska.

Safaaradda Mareyanka, ayaa usoo jeedisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) inay baarto sheegashooyinkan .”.

Safaaradda ayaa sheegtay in Maraykanku uu waaxda caafimaadka Nigeria ka taageeray dhisidda awoodda caafimaad iygoo siiyay bixinta qalabka iyo maalgelinta barnaamijyada caafimaadka bulshada ee muhiimka ah.

In ka badan 200 oo kiis oo looga shakisan yahay furuqa daayeerka ayaa laga xaqiijiyay ugu yaraan 19 oo intooda badan ku yaala Yurub tan iyo horraantii May.