1 min read

Ma runbaa in la weeraray Gurigii uu Muqdisho ka daganaa Fahad Yaasiin?

Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa la sheegay in uu maanta amray in ay dib usoo laabtaan ciidamo katirsan NISA oo ilaalo ka ahaa guriga Fahad Yaasiin oo ku dhax yaalo Xeyndaabka Villa Somalia.

Ciidamada ilaalada u ahaa Fahad Yaasiin ayaa watay 2 gaari oo nuuca dagaalka ah, waxaana gaadiidka iyo ciidankaba la geeyay taliska Hay’adda ee Habar Khadiijo.

Ma jirto faah faahin intaas dhaafsiisan oo laga hayo talaabooyinka ay qaadeen ciidamadii maanta tagay guriga Fahad Yaasiin, balse arrintaan ayaa u muuqato dabagal ay dowladda Soomaaliya ku bilaawday shaqsiyaadkii iyo saraakiishii xiriirka dhaw la lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in uusan marna aargudasho siyaasadeed ku sameyn doonin dhamaan dadkii ka aragtida duwanaa, halka wixii dacwo ahna sharciga loo mari doono, hase yeeshee arrintaan ayaa u muuqato talaabo ka duwan balan qaadkii Madaxweynaha.