1 min read

RW: Rooble oo magacaabay guddiga amniga xafladda caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

MUQDISHO — Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ka kooban toddoba xubnood oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiisha ciidamada, iyo agaasimaha NISA.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha, wasiirka Amniga Qaranka Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa noqonaya guddoomiya guddigan, waxaana xubno ka ah, wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamac) Wasiirka duulista Durraan Faarax, wasiirka caddaaladda Xasan Xaaji Xuseen, taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yususf Raage, taliyaha booliska General Cabdi Xasan Xijaar iyo agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.