1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa si wadajir ah xariga ugu jaray xarun cusub ee lagu soo kordhiyay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ay shir laleeyihiin madaxda ugu sarreysa Koofur Galbeed oo uu ugu horreeyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Afhayeenkiisa Cabdikariim Cali Kaar oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada madaxweyne uusan jirin wax ay kaligood ka wada hadlayaan, ee si guud tashi loola samaynayo bulshada iyo maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo yiri “Madaxweynaha ma tagayo dal kale, meesha uu u socdaayi waa dalka dhexdiisa”.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in arrinka xirnaanshaha Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur Rooboow aysan ahayn moowduuc gaar ah oo ay labada madaxweyne ka wada hadlayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa in booqashadiisa magaalada Baydhabo kadib uu sii gudbo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Mas’uuliyiinta maamulkaas oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne Axmed Cabdikaariye Qoor qoor.

G