1 min read

Madaxwayne Xasan Sheekh “Qalbiga aan ka midowno,qalbiga aan ka heshiinno..”

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedada safar uu maanta ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu daaran yahay dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka.

Madaxwayne Xassan sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay dadka Koonfur Galbeed in ay yihiin kuwa nabadeed.

Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno.”