1 min read

Qarax khasaare geystay oo Afgooye ka dhacay.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay qarax miino ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sida ay BBC-da u sheegeen illo ku dhawdhaw maamulka degmada.

Qaraxa waxa kaloo ku dhaawacmay dad aan tiradooda la sheegin oo uu ku jiro gudoomiye kuxigeenkii hore ee amniga ee degmada Afgooye oo loo malaynayo inuu isagu ahaa bartilmaameedka qaraxa.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa Afgooye maanta ka dhacay.