1 min read

Guddoomiyihii hore ee ururada Bulshada Rayidka oo Muqdisho ku geeriyooday.

Alle ha Unaxariistee waxaa Magaalada muqdisho ku geeriyooday sida ay warbaahinta u xaqiijiyay ehelkiisa, Prof Cabdullahi Maxamed Shirwac oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku xanuunsanaa.

Guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka Cabdullah Maxamed Shirwac ayaa maanta la filayay in Loo qaado Cafimaad dalka dibaddiisa ah sida qorshuhu ahaa, waxaase la xaqiijiyay in uu geeriyooday xabiin barkii xalay.

Cabdullaahi Maxamed Shirac waxa uu ahaa guddoomiyihii gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay 2017kii isgooska Zoobe, sidoo kale waxa uu muddo ka shaqeenayay  arrimaha nabadeynta Soomaaliya.

Waxaa lagu xasuustaa sida ay shegeen dadkii aqoonta u lahaa Cabdullaahi Maxamed Shirwac in uu ahaa Samafale madaale ah aadna ujeclaa sidii uu dalkiisa wax ugu gaban lahaa.