|

Caalimkii waynaa Sheekh Cali Warsame oo geeriyooday.

WASHINGTON — Allah ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa geeriyooday, wuxuuna ahaa caalim si weyn loo yaqiinay, isagoo sidoo kale ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980-kii.

Sheekh Cali Warsame ayaa lagu xasuustaa inuu ka horyimid ku lug lahaanshaha daagalladii Al-itixaad ay ku gashay deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose.

Sheekha oo muddo dheer ku jiray dacwada iyo fidinta diinta ayaa dhowr la xiray intii uu ku jiray fidinta dacwada, wuxuuna sidoo kale hore u cambaareeyay falalka maleeshiyada Al-shabaab.

Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururkaa Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna.

Posted by on May 28 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]