1 min read

Soomaaliya oo IMF iyo Bangiga Adduunka kawada hadlay billaabida dhaqaalihii laga joojiyay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan arraga ayaa waxaa looga hadlay sidii loo soo celin lahaa lacagiha kabka Maaliyadda ee la joojiyay inta ay socotay Doorashada.

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlay kulan ayaa waxaa uu yiri:

Maanta waxa aan shir-gudoomiyay kulanka wadajirka ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo aan uga wada hadalnay habka ugu sahlan ee Dowladda Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay.

Waxaa kale oo aan diiradda saarnay sii wadidda isbaddalka Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya”.