1 min read

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/Afrika.

Koox hubeysan ayaa deegaanka South Gate magaalada Johnsburg ee dalka Koofur Afrika ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Axmed Siciid, sida ay noo xaqiiyeen goobjoogeyaal.

Kooxaha Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyeed la geeyay Isbitaalka Magaalada.

Ciidamada Booliska ee magalada Johannesburg ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana dil iyo dhac loogu geystay Boqolaal Soomaali ganacsato ah.