1 min read

Masar oo Xabsiga ka sii daysay gabar Soomaali ah oo iska difaacday nin rabay inuu kufsado.

Shariif Abul Fadl, Xeer ilaalinta guud ee dalka ayaa amar ku bixisay in la sii daayo gabar Soomaali ah uu ku socday baaritaanka dil loo geystay darawal Mooto Tuk-tuk ah oo mindi lagu dilay ka dib markii uu isku dayay in uu u kufsado.

Baaritaano ay sameeyeen Booliiska iyo Xeer-ilaalinta ayaa lagu xaqiijiyay in ay sax tahay sheegashada gabadha ee ah in uu ninku isku dayay in uu xoog ku kufsado, isaga oo handadaya Toorey.

Baaritaanka ay samaysay Xeer-ilaalinta Masar ayaa waxaa lagu oggaaday in gabadha ay dhowr jeer ninka u digtay, balse uu toorey la soo baxay, markaasi oo ay Gabadha Soomaaliga ah u suuragashay in ay gacan ku dhinto Mindida, halkaasi oo ay ku muday.

Gabadha ayaa tagtay Saldhig Booliis, waxaana ay la wadaagtay sida ay wax u dhaceen oo ah in uu nin isku dayay in uu kufsado, isla markaasina ay toorey ka xoogtay kuna muday.

Dhacdadan ayaa waxaa si wayn u hadal haya Bulshada Soomaalida iyo Masaarida, kuwaasi oo gabadha ku amaanay falka ay sameysay oo ahaa in ay ninkaasi hamiyay Nafteeda ka difaacay.