1 min read

Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay qaar qeexaya in uu Soomaaliya ka sii shaqeeyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo hadda mas’uul ka yahay Danjare James Swan.

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2632 ayaa waxaa si wada jir ah u ansixiyay 15-ka xubnood ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ay ay ogolaadeen in xafiisku QM u sii shaqeeyo ilaa bisha Oct. 31, 2022.

Golaha ammaanka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in uu golaha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan, iyadoo warbixinta xigtana ay ku egtahay 31-ka Agoosto.

Golaha ayaa sidoo kale ka codsaday xoghayaha guud, inuu wadatashi la sameeyo dowladda federaalka Soomaaliya, si dib u eegis loogu sameeyo UNSOM, loogana mira dhaliyo howshii loo igmaday inuu fuliyo.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha doorashooyinkii la soo gaba gabeeyay 15 May 2022.

Hawlgalka UNSOM, wuxuu Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada, dhawrista Xuquuqda Insaanka, ka hortaga Tacaddiyada ku salaysan Jinsiga, Xoojinta Hay’adaha Garsoorka iyo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta.