1 min read

Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanka Warciise ee Gobolka Sh/dhexe.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Warciise duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay goordhow gudaha u galeen Ciidamada Militeriga Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in Saldhiga iyo Xarruunta deegaanka ay gacanta ku hayaan Ciidamada Militeriga, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Deegaanka Warciise ayaa ah mid muhiim u ah Al-shabaab, iyaga oo halkaasi ka qaadi jiray weerarada ay ka geysanayaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada Militeriga oo aan xiriiro la samaynay ayaa weli ka hadlin la wareegida deegaanka Warciise ee Gobolka Shabeellada Dhexe.