|

Kulan dhexmaray RW Rooble iyo Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Xubnaha Wafdigaan oo ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber, waxaana ay hore kulamo ula qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale.

Posted by on May 26 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]