1 min read

Golaha Wasiirada oo soo jeediyey in Mahad Salaad uu noqdo taliyaha NISA.

MUQDISHO — Golaha Wasiirada Soomaaliya ay soo jeediyey in xildhibaanMahad Maxamed Salaad uu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad- Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Golaha Wasiirrada ayaa iska leh soo jeedinta iyo magacaabista Taliyaha Nabad Sugidda, waxaana uu sharci noqonayaa marka uu ogolaado oo uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya.

Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxaa aad loogu yaqaanay inuu ka mid ahaa xubnihii ugu cad cadaa mucaaradka dowladdii Maxamed Cabdullhi Farmaajo.

Waxaa kaloo lagu tiriyaa inuu ka mid yahay saaxibadda ugu dhow Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud xagga siyaasadda.

Mahad Salaad ayaa buuxinaya Booskii laga eryay taliyihii hore ee Nabad suggida Fahad Yaasiin, booskaas oo uu si ku meel gaar ah u sii hayay Yaasiin Farey oo isna noqday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.