1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada dal ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxweynaha, Xasan Shiikh ayaa Dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaana ku soo aadaya xilli dhowaan Madaxweynaha Mareykanka uu amray in dib loogu soo celiyo boqolaal ka tirsan Ciidamada dalkaasi, kuwaasi oo uu hore u saaray Madaxweynihii hore Donal Trump.