1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Villla Somaliya galaya iyo Farmaajo oo ka guuraya.

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta madaxtooyada Soomaaliya ay ka dhacdo xil wareejin, iyada oo ay ku kala wareegayaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib hal sano iyo shan bilood oo ay daahday doorashadii Soomaaliya, maanta oo isniin ah ayuu ugu dambeyn madaxweyne haysta sharciyadda muddo xileed uu ku shaqeeyo oo dhamaystiran fariisanayaa madaxtooyada.

Hawlaha ugu horeeya ee lagu wado in madaxweynaha cusub uu qabto ayaa waxaa ka mid ah magacaabista agaasimaha madaxtooyada.