1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta si rasmi xilka kala wareegay Farmaajo.

MUQDISHO —Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka maanta, kadib xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa salaan-sharaf ka qaatay ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi khudbado kooban ka jeediyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxeynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ku wareejiyey madaxweynaha cusub faylasha badda, kuwa dayn cafiska iyo mid ay Soomaaliya ku codsanayso inay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Soomaali ah oo dhan ilaa 5 kun oo lagu tababaray dalka Eritrea inay tababarkooda dhammaysteen sannadkii hore bartamihiisa balse dib loo dhigay soo noqoshadooda, si aysan saamayn ugu yeelan xaaladdii siyaasadeed iyo doorashada ee dalku ku jiray.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna halkaasi ka hadlay waxana uu u mahadceliyey madaxweynihii hore Farmaajo, waxaana uu sheegay inuu yahay oday Soomaaliyeed oo lagala tashan doono xaaladda waddanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celin doono dalka si ay uga qaybqaataan xoraynta waddanka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu garab taagan yahay oo uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub.

Madaxweynow aniga ka ahaanteyda waan ku garab taaganahay waxaan kaa ballan qaadayaa inaan garab kuugu siiyo heer walbaba, Insha allah waxaan kuu rajeyneynaa inuu Ilaahey kuu fududeeyo,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Farmaajo xil-wareejinta, wuxuuna xaqiijiyey inuu ka helay faylal iyo dokumentiyo ku saabsan xaaladda dowladda.