1 min read

Muxuu yahay cabuuqa cusub ee ka dilaacay Yurub?

In ka badan 80 xaaladood oo bus-bus (Monkey Pox) ah ayaa laga xaqiijiyay ugu yaraan 12 waddan.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay baareyso ilaa 50 xaaladood oo kale oo ah Fayruska bus-bus, waxayna ka digtay in kiisas kale ay suuragal tahay in la soo sheego.

Caabuqan ayaa laga xaqiijiyay sagaal waddan oo kuyaala Yurub , iyo sidoo kale wadamadda Mareykanka , Kanada iyo Australia.

Bus-buskan ayaa waxa uu ku badan yahay meelaha fogfog ee Bartamaha iyo Galbeedka Afrika.

Caabuqan si sahal ah uguma kala gudbo dadka, waxaana la sheegay in khatarta uu ku hayo shacabka ay tahay mid aad u yar.

Sida ay sheegtay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK, Caabuqan ayaa ah mid naadir ah kaas oo caadi ahaan dadka badankiisu ay ka bogsadaan muddo dhawr toddobaad gudahood ah.