1 min read

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo war cusub ka soo saaray xaaladda Gedo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay oo uu sheegay inuu soo dhaweynayo.

Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafaad ay abuurtay dowladii hore ee Federaalka Soomaaliya oo ka jiray gobolka Gedo,wuxuuna sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah islamarkaana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaankaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedba, isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo, hayeeshee aysan jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadkii matali lahaa.