|

Dowladda Federaalka iyo Hay’adda IMF oo heshiis wada gaaray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan geeddi socodka #Deyn_Cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka #ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

IMF waxa ay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay sameeyay dhib kasta oo ka jiro dalka, sida Abaaraha. Hey’adda IMF waxa ay ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka.

Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Go ‘aanka IMF ayaa yimid kaddib markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo 15 bishaan May dalka ka dhacday.

Posted by on May 20 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]