1 min read

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Safiirka Sweden oo kawada hadlay arimo ku saabsan abaaraha.

Muqdisho-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Sweden Amb. Per LindgĂ de.

Danjiraha ayaa bogaadiyay hoggaamintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee qabashada doorashada madaxweynaha si xur ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mahad celiyey hambalyada uu danjiraha soo gaarsiiyay, wuxuuna bogaadiyey doorka ay dowladda Sweden ku leedahay caawinta dadka danyarta, dhismaha magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka hirgeliyeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dadaal dheeraad ah lagu bixin doono xal u helidda abaarihii dalka ku dhuftay si deg deg ah.