1 min read

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Makhaayad ku taal Deg. Balcad.

Warrarka laga helayo magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay makhaayad ku taala ka soo horjeedka xarunta degmada.

Qof kamid ah dadka degan Balcad ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiro gudoomiyaha maxkamadda degmada Balcad iyo sedex qof oo kale.

Labo kamid dadka dhaawacmay oo dhaawacoodu cuslaa, ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu soo daweeyo isbitaallada halkaasi ku yaala.