1 min read

Maxay ka wada Hadley Guddomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed-Nuur Madoobe ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyey guushi uu ka gaaray doorashadi madaxweynaha ee xalay soo dhammaatay.

Sheekh Adan wuxuu sheegay iney madaxweynaha ka wada hadleen sii waditaanka howlaha qaranka.

Madaxweyne Xasan Guddoomiyaha iyo Baarlamaanka JFS wuxuu uga mahadceliyey doorashadi ay doorteen.

Xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya ayaa xalay cod aqlabiyad ah madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ugu doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo marki labaad madaxweyne ka noqday dalkaasi.