3 mins read

Doorashada Soomaaliya 2022: Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada.

Waxaa hadda si rasmi ah u billaabatay tirinta codadka la dhiibtay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa teendhada Afisyoone ku sugan 36 murashax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa doorashada horay uga haray saddex mudane, ilaa 328 xildhibaan ayaa dooranaya madaxweynaha.

Waxaa madasha doorashada ku sugan weriyeyaal, kormeereyaal, iyo madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada qaar.

Dhammaan xildhibaannada waxaa laga reebay in teleefoonnada ay la galaan gudaha teendhada.

Teendhada Afisyooni oo ku taalla aag aad loo ilaaliyo ayay doorashadu ka dhacaysaa, waxaana inta badan ammaanka sugaya ciidamada ATMIS, ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waxaa jira ciidamo Soomaali ah oo aan badneyn oo ka qeyb qaadanaya sugidda amniga.

.

Wareegga koowaad ee doorashada

Guddiga doorashada madxweynaha wuxuu sheegay in murashaxa hela saddex meelood labo (2/3) oo u dhiganta 219 cod uu doorashada madaxweynaha uu ku guuleysan karo. Taas haddii ay dhacdo doorashada halkaas ayay ku soo xirmeysaa. waxaana lagu dhawaaqayaa guuleystaha xilka madaxweynaha.

Haddii la waayo murashax codkaa keena waxaa loo gudbi doonaa wareegga labaad ee doorashada.

.

Wareegga labaad iyo kan saddexaad

Waxaa wareegga labaad u gudbi kara afarta murashax ee hela codadka ugu badan. Haddii ay dhacdo in labo murashax ay tanaasulaan waxaa loo boodayaa wareegga saddexaad. Waxaa doorashada madaxweynaha ku guuleysan doona labada murashax ee isugu soo hartay kooda kusoo baxa cod dheeri.

Doorashadan maxay uga duwan tahay doorashooyinkii hore?

Dr Afyare Cilmi oo madax ka ah macadka Heritage ayaa BBC u sheegay in doorashadan aysan waxba uga duwaneyn doorashooyinkii hore, isla markaana aan la ogeyn cid cusub ay kusoo bixi doonta doorashadan.

Wax hadda la taaban karo oo nuxur ah oo doorashadii hore iyo tan ay ku kala duwan yihiin ma jirto, dadku falsafaddii hore bey ku dhisan yihiin, sidii hore wax loo isticmaalaa xitaa sida loo tirinayo codadka..waxa hadda gaar ah oo horumar ah oo soo kordhay ma jiro”

“Dadka tartamaya intooda badan waa dad la yaqaan ma la dhihi karo wajiyo cusub baa imaan doonaa” ayuu yiri Afyare Cilmi.

.

Amniga doorashada

Xalay waxaa ka dhaqan galay magaalada Muqdisho,bandow ay soo rogeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo ku eg maalinta Isniinta ee barri sida ay sheegeen booliska Soomaaliya.

Dadka doorashada ka qayb qaadanaya sida bulshada rayadka ah, kormeerayaasha,suxufiyiin iyo dadka kale ee daneeynaya ayaa xalay ku hoyday hoteelada ku yaalla agagaarka halka ay doorashadu ka dhacayso waxaana jira dhowr illlin ama irid oo laga gali doono Teendhada Afisyooni, kuwaas oo si aad ah ammaankooda loo adkeyay.

Inta badan waxaa xiran waddooyinka muhiimka ah ee magaalada waxaana goobahaas ku sugan ciidamada amniga Soomaaliya,waxaana lagu soo warramayaa in dhaqdhaqaaqa dadweynaha uu koobanyahay.Goobaha la isugu yimaado ee ay dadku ku kulmaan waxa ugu badan ee saaka lagu hadal hayo waa wararka la xiriira doorashada oo si weyn looga dhursugayo.

Bulshada rayadka ah ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in doorashadu ay ku dhamaato si nabad ah ciddi ku soo baxdana ay degganaan kula wareegto xilika.

Duniyo Maxamed Cali oo loo yaqaano Duniyo Carshaan, kana tirsan ururada bulshada rayadka ah ayaa BBC-da u sheegtay in dib u dhacyadii ku imaanayay doorashadaan ay xaalka murjiyeen markii hore hadase loo wada han-weynyahay sida wax ku socdaan.”Rajadu boqlkiiba boqol way fiicantahay waxaan rajaynaynaa in ay guul ku dhamaato wax khayr qabana ay meeshaas ka soo baxaan.” ayay tiri Duniyo.

Xigasho:BBCSomali