1 min read

Heshiis laga gaaray iibinta kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa ogolaatay in $5.2 bilyan oo doollar ay kooxda uga iibiso naadiga uu hogaamiyo Todd Boehly, oo ah mulkiilaha kooxda kubbadda koleyga ee LA Dodgers.

Iibinta kooxda ayaa la shaaciyay ka hor inta aan la ganaaxin mulkiilaha kooxda Roman Abramovich kadib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la sameeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib duulaankii Ukraine.

Abramovich ayaa kooxda Chelsea waxa uu 2003 ku iibsaday £140m, waxa uuna sheegayaa in go’aanka uu kooxda ku iibsaday “aanay la xiriirin ganacsi ama lacag, balse ay aheyd jaceyl uu u qabay ciyaaraha iyo kooxdaba”.

Warbixin ay soo saartay Chelsea ayaa lagu sheegay in milkiilayaasha cusub ay ku bixin doonaan 2.5 bilyan oo gini saamiga kooxda.

Dakhliga ka soo baxa kooxda ayaa la sheegay in la gelin doono arrimaha la xirriira samafalka.

Maalgashadayaasha kale waxaa ka mid ah bilyaneer reer Mareykan oo la yirahdo Mark Walter, oo ay sidoo kale kooxda ay si wadajir ah u maamuli doonaan bilyaneerka kale ee u dhashay Switzerland, Hansjoerg Wyss.