2 mins read

Maraykanka oo siinaya Ukraine, diyaarado loo iibiyey Afghanistan.

ISLAMABAD :- Hay’ad u xilsaaran la socodka dhacdooyinka dalka Afghanistan ayaa sheegtay in dalka Maraykanku uu Ukraine siinayo illaa 16 diyaaradood oo ah nooca sida qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaano Mi-17, kuwaas oo ka mid ahaa hub Maraykanku uu u iibiyey dalka Afghanistan.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee loo soo gaabiyo (DOD) ayaa ku wargalisay Congress-ka Maraykanka bishii January ee sannadkan in ay damacsan tahay in la siiyo dowladda Ukraine shan ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ruushku sameeyey, kuwaas oo lagu dayactirayey xarun ku taalla dalka Ukraine.

“Ukraine waxay aqbashay bishii March 11-keedii, qodobada ku xusan hannaanka difaaca ee xeesha dheer” sidaasi waxaa lagu sheegay warbixinta saddex biloodlaha ah ee uu qoray kormeeraha gaarka ah ee dib-u-dhiska dalka Afghanistan oo toddobaadkan loo gudbiyay sharci-dajiyayaasha Mareykanka.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in badhtamihii bishii April, in Madaxweyne (Joe) Biden uu ku dhawaaqay xidhmo gargaar militari ah oo la siinayo Ukraine oo ay ku jiraan 11 helikobter oo dheeraad ah oo ah nooca Mi-17 oo hore loogu qorsheeyey dalka Afghanistan. Mi-17 ayaa inta badan loo isticmaalaa in lagu qaado ciidamada iyo agabka milatariga.

Warbixintan ayaa sidoo lagu xaqiijiyey wararka sheegaya in dhicitaankii dawladdii Afghanistan ee wadamada reer galbeedku taageerayeen inay sahashay in maamulka Taliban ee haatan ka taliya dalka Afghanistan inay gacanta ku dhigeen qalab militari oo ka badan 7 billion oo dollar oo ah qalabka wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa ku qiyaastay in saanad militari oo u dhiganta illaa $7.12 billion oo dollar inay kaga tageen dalka Afghanistaan sababo la xidhiidha iyaga oo qalabkaasi dayactir u baahnaa, xilligii ay ciidamada Maraykankanku ka baxayeen dalka Afghanistan oo ku beegnayd bishii August ee sannadkii 2021.

Warbixintan saddex biloodlaha ah ee uu diyaariyey kormeeraha gaarka ah ee dib-u-dhiska dalka Afghanistan ayaa sidoo kale lagu caddeeyey in adduun lacageed oo gaadhay $18.6 bilyan lagu iibiyey saanad militari tan iyo sannadkii 2005, iyada oo la adeegsanayo sanduuqa ciidamada ammaanka ee Maraykanka iyo Afghanistan, hase ahaatee warbixinta ayaa sheegtay inaanay xaqiiqo ahayn $80 bilyan ee ay warbaahinta qaarkeed sheegayso. Warbixinta ayaa intaas sii raacisay, in hubkaas badankiisa lagu burburiyey intii ay hawlgalladu ka socdeen dalka Afghanistan.

Saanadda militari waxaa ka mid ah diyaarado, baabuur, rasaas, qoryaha iyo qalabka isgaarsiinta, iyo sidoo kale qalab kale, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka Major Rob Lodewick.