1 min read

Taliyaha Ciidanka xoogga oo maanta gaaray Gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Odowaa Yuusuf Raage Ayaa Maanta Gaarey Magaalada Xudur Xaruunta Gobalka Bokool.

Taliyaha waxaa kusoo dhaweeyay halkaasi taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda gobolka Bakool, waxaana uu sheegay in sababta uu tagay ay hubinta shaqada ciidanka.

Taliyaha Odawaa ayaa Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ku amray in ay bilaabaan howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka, sidoo kalena Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay gacanta ku hayaan eek u yaalla gobolka Bakool.

Waxaa uu sidoo kale kulan la yeeshay Saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan Bakool, waana safarkii ugu horreeyay ee uu ku taggo gobolka Bakool tan iyo markii la magacaabay.