1 min read

Real Madrid Oo Markii 35-aad Ku Guulaystay Horyaalka La Liga+Sawirro

Kooxda Real Madrid ayaa xasuuqday Espanyol Kulan ka tirsanaa La Liga iyaga oo si Rasmi ah ugu guulaystay koobka La Liga xilli ciyaareedkan.

Ancelotti ayaa si badal ku sameeyay shaxdiisa isaga oo hal il ku hayay kulanka champions League ee Semi-final-ka la ciyaari doono Arbacada.

Hadana Real Madrid ayaa u ciyaaraysay sidii ay haystaan kooxdeeda oo buuxda iyaga oo u awood sheegtay kooxda Espanyol kulan ka dhacay garoonka Santiago Bernabue.

Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 33-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Xiddiga Rodrygo oo qaybtii hore shiday Real Madrid ayaa mar kale daqiiqadii 43-aad soo laabtay isaga oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee shaqsiga ahaa iyo goolkii 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta dambe ee ciyaarta oo ay Real madrid ahayd kooxda fiican kana awooda badan Espanyol.

Daqiiqadii 55-aad ayay Real Madrid hurdo u dirtay ciyaarta kadib markii uu xiddiga Marco Asensio dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta kana dhigay 3/0 ay Los Blancos ku hogaaminayso ciyaarta.

Xiddiga Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii caadada u noqday horyaalka La Liga daqiqiadii 81-aad isaga oo xaqiijiyay ku guulaysiga Real Madrid ee horyaalka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid markii 35-aad ee taariikhdooda ku guulaysteen koobka Horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.