1 min read

Axmed Madoobe oo Farmaajo ku eedeeyay Weerarkii lagu qaaday gudoomiye Dhabancad.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Cambaareeyay weerarkii caawa lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JFS.

Qoraal ka soo baxay Madatooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dambeeyay Madaxweyne Farmaajo.

“Saraakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya, waa lala xisaabsami doona” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Axmed Madoobe. Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.